Kababka Shaqo la'aanta
Codso adoo wacaya 800-410-0758. Ka wac kordhinta 12 si aad caawimo ugu dalabtid Soomaali (turjumaano bilaash ah ayaa la heli karaa). Hadii aad maqalka naafo ka tahay, maqalku kugu adagyahay, ama hadalka naafo ka yahay, wac Washington Relay Service (Adeega Wicitaanka Washington) adoo ka wacaya 711.
Markaad wacayso lambarka, waxaad maqli kartaa fariintan (faylka wav) iyadoo Ingiriisi ah. Waxay odhanaysaa:
'Iyadooy ugu wacan tahay wicitaano badan, kama jawaabi karno wicitaankaaga wakhtigan. Fadlan nasoo wac markale, ama ka hel macluumaadka shaqo la'aanta iyo adeegyada wabsaaydka esd.wa.gov. Waad ku mahadsan tahay dulqaadkaaga. Nabadgalyo.'
In kasta oo ay jirto wicitaano badan, waxaa naga go'an inaan ku caawinno. Waxaan haysanaa turjumaano luuqado oo farabadan. Hadii aad u baahantahay inaad ka codsato telefoonka, talooyinkan waxa laga yaabaa inay ku caawiyaan.
- Wac xili hore ama xili dambe si aad u kordhiso jaanisyadaada inaad hesho shaqaale.
Saacadaha Xarunta Cabashada iyo macluumaadka. - Ka jawaab telefoonka. Waxa laga yaabaa inaan anaga nahay! Magacayagu kama soo muuqanaya Aqoonsiga wicitaanka. Hadii aad wayday wicitaankayaga, waa inaad nagu soo celisaa, taasoo ku dari doonta wakhti dheeraad ah nidaamkaaga codsiga.
Codsashada:
- Ogow wax badan oo ku saabsan waxa aan waydiinayno marka aad cosanayso shaqo la'aanta oonlayn ah.
- Hadii aanad ahayn muwaadin Maraykan ah, waxaad wali codsan kartaa kabka shaqo la'aanta. Ogow wax badan oo ku saabsan muwaadinimada iyo xaqaaga sharci ee aad ku shaqayn karto.
Paid Family & Medical Leave (Fasaxa Caafimaad iyo Qoyska ee Lacagta ah)
Paid Family & Medical Leave (Fasaxa Caafimaad iyo Qoyska ee Lacagta) ahi waa kabka shaqaalaha Washington. Waa adiga marka xaalad caafimaad oo daran ay kaa hor istaagto inaad shaqeyso ama marka aad u baahan tahay wakhti aad ku daryeesho xubin qoyska ka mid ah, xidhidh ilmo cusub ama wakhti la qaadato xubin qoyska ka mid ah oo isku diyaarinaya adeegga milatari ee dibadda.
Ogow waxbadan oo ku aadan Paid Leave (Fasax lacag ah).
Shaqooyinka iyo tababarka (Ingiriisi iyo Isbaanish)
Khayraadka Shaqaalaha wuxuu kaa caawinayaa inaad raadiso shaqada xigta ama xirfada. Booqo WorkSourceWA.com si aad u bilawdo. Waxa kujira Resource (Khayraadka), isticmaal WorkSource locator (Eegaha Khayraadka Shaqada)si aad u heshid xafiis kuu dhow oo aad aragto adeegyada la heli karo si onlaayn ah iyo si shaqsi ahba.